Midowga Yurub oo Taageero Dhaqaale Ugu Yaboohay Ciidamadda Dowladda

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa soo dhaweysay taageero uu Midowga Yurub ugu yaboohay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo ah qalab qalabayn ciidan oo ku kcaysa hal Milyan oo yuuro ah.

 

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay, in taageeradan la siinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ay tahay mid sii kordhinaysa tababarada iyo qalabaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in qalabaynta ay ka caawinayso ciidanka xoogga dalka, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda howlgallada amni ee dalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here