DFS oo Qiratay in Tanzania ku Taageertay Doorashadda madaxweynaha baarlamaanka adduunka.

0

Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay fulisay ballanqaad ay la gashay dalka Tanzania, ballanqaadkaas oo ahaa in Soomaaliya ay ku garab istaagto inay Tanzania ku guulaysato madaxweynaha baarlamaanka adduunka.

 

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo bixiyay wareysi, waxa uu sheegay, bishii 8-aad ee sanadkan in ay wasaaraddu xiriir lasoo sameysay haweeneyda ah guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania, haddana noqotay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, taasoo ka codsatay Soomaaliya inay taageeraan.

 

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay marka ay ballanqaadka sameynayeen in aanay jirin cid Soomaaliya ka socotay oo u sharraxnayd doorashada baarlamaanka adduunka. Sidaas ayuu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Tulia Ackson.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here