Feysal Cali Wareebe oo Eedeen u Jeediyay Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in koox cadaw ahi ay doonayso in ay Somaliland dumiso, isaga oo si gaar ah usoo hadal qaaday Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

 

Guddoomiye Waraabe oo muuqaal la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland lagu wado arrin hore Soomaaliya ugu socotay, sida uu hadalka u dhigay, arrintaasi oo ah in loo qaybiyo gobolo, isaga oo sheegay in Somaliland anay ka soconayn, oo aanay aqbalayn.

 

Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayuu si gaara uga hadlay, isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dad doonaya in ay Somaliland burburiyaan, isaga oo sheegay in magaca jagada uu hayo uu xataa badalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here