Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ayaa ku eedeysay madaxtooyada Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanku, inay iska kaashadeen inay dhabar jab ku sameeyeen musharraxnimadeedii tartankii doorashada madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo ay dhawaan uga qeyb gashay Angola.
Xildhibaan Marwo oo wareysi bixisay waxay sheegtay inuu been abuur ahaa hadalkii uu guddoomiye ku xigeenka baarlamanka kasii daayay warbaahinta, ee ahaa in ay aqbashay inay ka tanaasusho doorashadaas.
Marwo, waxay sheegtay guddoomiye ku xigeenka 2-aad inuu mar usoo bandhigay inay ka tanaasusho tartanka, isagoo u sheegay inay jiraan cadaadisyo saaran.
Balse waxay sheegtay in ay ka diiday ka dib markii uu soo bandhigi waayay wax ay ku qanacdo oo ay uga tanaasusho doorashada.

