Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

 

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

 

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in miisaaniyaddu ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalku jiro.

 

 

Xamse wuxu sheegay marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkan, in ay sii kordhi doonto miisaaniyaddu, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Sanadkii hore, miisaaniyaddii uu baarlamaanku meel mariyay ayaa ahayd $973,985,805. Dowladdu xilligaas waxay sheegtay in miisaaniyadda loo kordhiyay xarumaha danta guud, sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here