Guddoonka baarlamaanka oo jawaab ka bixiyay eedeyntii Xil Marwo Cabdi Bashiir

0

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir in ay wax ka ogayd warqad uu soo qoray gudoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ku saabsanayd in Soomaaliya ay ka tanaasushay musharaxnimada madaxweynaha baarlamaanka Afrika (IPU)

 

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, oo hoggaaminayay wafdi baarlaamaanka katirsan oo ka qeyb galay doorashada madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo ka dhacday magaalada Luanda ee dalka Angola, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Tansaaniya ay ku heshiiyeen, in Soomaaliya kursiga IPU uga tanaasusho Tanzania, halka Tansania ay Soomaaliya kala shaqeynayso in ay ku biirto ururka bulshada bariga Afrika, iyo kursi kale oo yaala Qaramada Midoobay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here