
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay meel 15 KM u jirta degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool.
Ciidamada ayaa la tilmaamay in howlgalka ay ka fuliyeen goob uu shir uga socday xubno ka mid ah Al-shabaab oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.
Taliyaha Ururka 51-aad guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed laba Xidigle Deeroow Macalin Cabdi ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen afar horjooge, islamarkaana ay ku dhaawaceen 9 kale oo maleeshiyaad ah.
“Howlgalka waxaan la beegsanay goob ay shir ku lahayeen Al-shabaab waxaana ku dilnay afar horjooge, anaga cidna wax noogama gaarin, waxaa inoo bilaawday wajiga labaad ee howlgalka Al-shabaab lagu cirib tiraayo, waana sii wadeyna howlgalka noocaan oo kale ah” ayuu yiri Taliye la a Xidigle Deeroow Macalin Cabdi.
