Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo Gaaray Diinsoor

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareem oo ay wehlinayaan wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ujeedka safarka masuuliyiintaan ay maanta ku tageen degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa la sheegay iney la xariirto dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee haatan ka socda deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiinta maanta gaartay degmada Diinsoor ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada oo ay kala hadleen garab istaaga ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee iska kaashanaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here