Somaliland oo Cambaareysay Go’aanka Dowladdda ee Khaatumo

0

Somaliland ayaa dagaal ka dhan ah jiritaankeeda ku tulmaantay aqoonsiga ay Dowlada Federaalka Soomaaliya siisay SSC Khaatumo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu cambaareeyay, iyada oo lagu sheegay in Soomaaliya anay ka talin magaalada Laascaanood.

“Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland.

Aqoonsiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee SSC Khaatumo ayay Somaliland ku tilmaantay weerar ka dhan ah qaranimadeeda, “Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here