Danjire Abuukar Baalle oo QM ka dalbaday in cunaqabateyta hubka laga qaado Soomaaliya

0

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo warbixin ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahayeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo xaalada SSC Khaatumo.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu horeyn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer, isagoona tusaale u soo qaatay in dalka uu sameeyay isbadalo iyo horumar la taaban karo.

Wuxuu sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu kulankaas ka sheegay in xaalad deganaasho ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalada dheeraadka ah oo ay sameeyeen maamulka SSC Khaatumo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here