Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa difaacay heshiiska arrimaha doorashooyinka ee ay golaha wadatashigu gaareen, isagoo sheegay in heshiiskaas uu muhiim u yahay jihada cusub ee Soomaaliya ay u socoto.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu iska fogeeyay in heshiiskan uu yahay mid waqtiga loogu dheeraynayo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay ra’yi lagu midoobi karo islamarkaas na uu dalku ku yeelan karo doorashooyin midaysan oo isku hal waqti dhaca, iyo sidoo kale in dalku yeesho labo xisbi oo awoodda ku tatama.
Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu codsaday in lagu taageero sidii uu heshiiskaan ku noqon lahaa mid meel mara. Wuxuu sheegay haddii uusan dalka ka gudbin marxaladda uu hadda ku sugan yahay, in madaxda joogta iyo kuwa imaanaya in aysan heli doonin waqti ay dalka wax ugu qabtaan.

