Muuse Biixi: Cadawga Somaliland Waa in Abaalkii Laga Waraabiyaa

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in anay ogolaanayn in maamul laga dhiso gobolada SSC, isaga oo sheegay in Somaliland xoog ku difaacayso gobolada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada “Hadii ay la noqotay in ay fudutahay in Somaliland la weeraro, cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyo, lana ogolaan in uu taako soo gudbo” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu digniin u diray maamulka Puntland, isaga oo sheegay in ay doonayso in ay dhul Somaliland kaga qaadato hab qabiilaysan.

“Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu yidhi Biixi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here