Fiqi “Nageeye haduusan na dhihin waa idiin gabyaa uusan isku keen qarxinin waa ilaahay Mahadiis”

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay shaqsiyaad ka tirsanaa dowladda oo ku biiray mudooyinkii dambe Al-shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la isku dhex milnaa, hayeeshee dowladda Fedaraalka ay xooga saartay in la shaandheeyo shaqsiyaadka xiriirka la leh Shabaab ee ku dhex jira dowladda.

“Waxa aan rabnaa in aan isku isbahaysano oo aan isku kaashano la dagaalanka Khawaariijta Argagaixisada ah, Ciidanka Nabadsugidda kuwa jiray, Booliiska kuwo kamid ah ayaa fakaday, Militariga kuwo saraakiil ah ayaa lasoo qabtay oo la toogtay qaarna ay galeen, Guddoomiyihii Baarlamaanka Darawilkiisa waad maqlayseen, Dal waxa aan ku dhex jirnay la is dhex galay, Eedda Dowladdaani ma lahan fursaddaas ee Dowladdii hore ayaa bixisay, Hadda waa la kala soocmay” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here