Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa isaga soo baxay saacadihii aynu soo dhaafnay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug halkaas oo dhawaan ay kala Wareegeen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay xili hore isaga baxay degmadda Wabxo ee Gobolka Galgaduud,waxaa si nabad galyo ah kula wareegay dagaalyahanadda Xarakada Al-shabaab.
Intaas kadib Ciidamadda Dowladda ayaa soo faarujiyay saldhigyadii ay ku lahaayeen Degmooyinka Galcad, Ceeldheer, Masagawaa,coosweyne,Budbud,Dac halkaas oo dhawaan lagala wareegay dagaalyahanadda Xarakada Al-shaabab.
Sarkaal ka Tirsan Dowladda oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho balse diiday in codkiisa la baahiyo ayaa sheegay in ciidamadda Dowladda ay soo faarujiyeen deegaanadii ay kaga sugnaayeen Gobolka Galgaduud.
Sababta ayuu ku sheegay khilaaf soo kala dhexgalay hogaanka Ciidamadda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee dagaalka hogaaminaya,taasina ay keentay in ciidamadda ay isaga soo baxaan furumaha dagaalka.
Dhanka kale waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Labadda Mas’uul ayaa la sheegay in ay isku khilaafeen arrimaha Ciidamadda iyo saldhigyadda ay ku sugan yihiin in aan warbaahinta loosoo bandhigin si Al-shabaab xog badan kaga helin.
Sidoo kale Labada mas’uul ayaa khilaafkooda salka ku haya xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.
Khilaadkaan ayaa keenay in hogaanadda Ciidamadda ay ku kala qeybsamaan,islamarkaana ay kasoo baxaan furumaha dagaalka Gobolka Galgaduud.
Waxaa la sheegay in weerarkii Al-shabaab ee todobaadkaan ka geysteen deegaanka Coosweyne ee Galgaduud uu sabab u ahaa khilaafka Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), isla-markaana ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.
Taliye Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaas oo ka baxay Magaaladda Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolla Galgaduud, iyaga oo qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday Al-Shabaab.
Khilaafka haatan jira ayaa la sheegay in dhabar jab ku yahay dagaalka dowladda kula jirto Al-shabaab,waxaana loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya oo ah hogaamiyaha dagaalka in uu tilaabooyin qaado si aan loo fashilin dagaalka Al-shabaab.

