Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax “Beene-Beene”, Wasiirka Maaliyadda, mudane Biixi Iimaan Egeh iyo sii hayaha xilka safiir ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho mudane Shane Dixon ayaa saxiixay heshiis deeq ah oo kaalmo horumarineed oo ku kacaya 92.6 milyan oo dollar.
“Heshiiska deeqdani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotoda dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliya kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, iyo awood-siinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri sii hayaha xilka safiir ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho mudane Shane Dixon isagoo ka hadlaya xafladda saxiixa.
Heshiisku wuxuu qeexayaa sida USAID ay u isticmaali doonto $92.6 milyan ee kaalmada horumarineed si ay Soomaaliya uga caawiso dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida mustaqbalka fog, kobaca dhaqaalaha, hagaajinta maamulka, fursadaha haweenka iyo dhalinyarada, iyo adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee muhiimka ah. Taageeradani ayaa xoojinaysa ku dhawaad 17 sano oo kaalmo ah oo ay dadka Maraykanku siinayeen Soomaaliya.
Iyada oo loo marayo kaalmada horumarinta ee dawladda Maraykanka ayaa in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah waxay heli doona barnaamijyo waxbarasho oo aasaasi ah oo la dardargaliyey – taas oo xoojinaysa awoodda dawladda si ay si hufan u kormeerto waxbarashada deg dega ah.
In ka badan 200 oo fasal iyo xarumo kale kale ayaa la dayactirayaa si loo kordhiyo helitaanka waxbarashada ku dhowaad 10,000 oo arday oo dheeraad ah sannad kasta.
Haweenka Soomaaliyeed ee da’da yar ayaa ka faa’iideysanaya kaydinta iyo iskaashatooyinka oo abuuraya fursado dhaqaale iyo isku-xirnaan bulsho.
Dawladaha hoose iyo bulshooyinku waxay muujinayaan maamul-wanaag iyo jawi nabdoon si loo kobciyo xasilloonida mustaqbalka fog.
Qoysaska reer miyiga ah iyo Soomaalida ku nool magaalooyinka ayaa sidoo kale ka faa’iidaysan doona barnaamijyada adkeysiga dhaqaalaha iyo beeraha taas oo kordhin doonta fursado dhaqaale oo ay helaan Soomaali badan.

