Wasaaradda Maaliyadda oo Golaha Shacabka u Gudbisay Xisaab-xirka 2022 – ka.

0
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab-xirka Dowladda ee sanadk 2022 – ka.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.
Xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023-ka ayaa waxaa baaris Maaliyadeed ku sameeyay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, iyada oo natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sii wadi doonta xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta ku dhisan ee la xariira Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo Dowlad wanaagga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here