Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dib ula wareegtay deegaanka wabxo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-shabaab ay si nabad ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaankaan, kadib markii ay saakay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda Fedaraalka.
Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamada dowladda Fedaraalka ay baneeyaan deegaankaan oo dhawaan uun gacantooda soo galay.

