Xasan Shiikh oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta Galmudug

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug si loo dar dar geliyo abaabulka howgalka billowday ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka ay muddada dheer afduubka u haystaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here