Xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Beelaha Jareer Wayne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadley dhacdadii 19 bishan August 2023 ka dhacdey xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho, taasoo lagu soo xiray Jen. Sheegow Axmed Cali.
Shirkan oo laba maalmood socday ay ka soo qeybgaleen xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xubnaha Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka ee Somalia ayaa si gaar ah waxaa lagu falanqeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay.
Halkaan Hoose ka Akhriso Qodobadda Shirka Kasoo baxay
1- Waxan si weyn uga xunnahay shaqaaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawacmey inuu caafimaad buuxa siiyo.
2- Waxan soo jeedineynaa in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadan iyadoo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan.
3- Waxan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo.
4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqeynaa inay tixgeliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed.
5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasiloonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowladda iyo tan gaarka ah.

