Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday goob bar kontrol u ah ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku taala Agagaarka Ifka Xalane Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan xarunta Dhulka Bixinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa gaari weyn islamarkaana ay eryanayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,rasaasna ku socotay balse uu qarxay xili uu halkaas marayay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo sida uu qaraxaan u dhacay, iyo khasaaraha ka dhashay qaraxa.
Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda Muqdisho ka yaraaday qaraxyadda gawaarida loo adeegsan jirey, waxaana intooda badan sheegan jiray dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

