Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Magaalada Wabxo ee Gobolka Galgaduud

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee Mucaawisleyda ayaa gacanta ku dhigay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, oo kamid ah degaanada istiraatiijiga ah ee Alshabaab gacanta ugu jiray.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Gen. Cabdullaahi Cali Caanood xaqiijiyay qabashada Wabxo iyo degaano kale oo dhowr ah, kaddib howlgal maanta galinkii dambe ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga wuxuu sheegay in degaanadan loo xoreeyay hab taatiko ah oo aysan dhici doonin in ay ciidamadu mar dambe kasoo baxaan degaanada laga xoreeyay kooxda Alshabaab.

“Waxaa maantay ciidamadu ay la wareegeen, tuulooyin iyo degmooyin waawayn oo la yaqaano oo ay kamid tahay tuulada Wabxo oo ah magaalo weyn oo ceel biyood leh, oo waro leh, oo dhul daaqsimeed leh, oo u dhiganta degmo. Waxay kaloo la wareegeen tuulada Jaaw, oo cadowgu joogeen oo maxkamad uga dhisnayd, oo amiiradu ka talin jireen xaasasna u joogeen,” ayuu yiri Gen. Caanood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here