Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku wajahan magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Qaban-qaabadda soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Magaaladda Dhuusa-mareeb,waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladda.
Warar hordhac oo laga helay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya iney la xariirto in halkaas uu madaxweynaha kaga dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor), ayaa dhawaan sheegay iney u diyaar garoobeen wajiga labaad ee howlgalada dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.

