Madaxa Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ay si weyn uga shaqeynayaan sidii dhammaadka sanadkan, Soomaaliya looga saari lahaa kumanaan askari oo katirsan ATMIS, si loo taageero dawlad-dhisidda Soomaaliya.
Isagoo booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in halkaas kulamo kula yeeshay shaqaalaha UN-ka,islamarkaana uu kala hadlay dagaalka Al-shabaab,iyo bixitaanka howlgalka ATMIS.
“Soomaaliya horumar weyn ayay sameysay, horumarkaas waxaa sabab u ah wadashaqeynta ATMIS iyo UN-ka ee dhanka horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maanta, dadka Soomaaliyeed waxay ku noolaan karaan si nabad ah,” ayuu ku yiri hadal uu si wadajir ah uga soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ergeyga Midowga Afrika ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhaqangelinta qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628, 2670 iyo 2687 ee faraya ATMIS inay ka caawiso ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga ka hor inta aan howlgalka Soomaaliya laga bixin December 2024.

