Laamaha Amaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 6-xubnood oo lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay ku biiraan Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.
Raggaan ayaa lagu xiray magaaladda Gaariisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya,kadib fariimo laga helay shacabka Magalaadaas.
Lixda ruux ahaa kala ah 5- u dhalatay dalka Tanzania iyo mid u dhashay dalka Uganda.
Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay raggan la qabtay Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.
Sidoo kale booliska ayaa sheegay in xubnahaan ay qirteen in ay doonayeen ku biirista dagaalyahanadda Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in labo kale oo Tanzanian ah oo kala ah Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25, iyo Sadam Jafari Kitia, 30, lagu qabtay 12-kii July iyagoo gacanta ku haya buug xusuus qor ah oo ku qornaa luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan safarkooda Tanzania ilaa magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya.
.

