Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wadahadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda.
Bishii Oktoobar 2021, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee U.N, ayaa soo saartay go’aan lagusoo afjaray muranka badda, iyadoo Soomaaliya u xukuntay dhul badeedka lagu muransanaa. Muranka ayaa salka ku hayay samaynta xuduud badeed qayb ka mid ah badweynta Hindiya oo la og yahay in ay haysato kayd badan oo saliid iyo gaas ah.
“Ma jiro wax wada xaajood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Arrintii muranka badda waxay ku dhammaatay maxkamadda, wax ka soo noqoshana ma leh. Kiiskaas waa la xidhay oo si wanaagsan ayuu u dhamaaday.” Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya.” Cali Cumar Balcad, ayaa sidaas ku sheegay mar uu ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka.

