Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ku guulaystay aqlabiyada codadka doorashadii guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo sida ku noqday guddoomiyaha golaha ee cusub.
Xildhibaan Faratoon ayaa helay codadka 46 Xildhibaan oo kamid ah 81 xildhibaan oo codeeyay halka Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo la tartamayay uu helay codadka 35 xildhibaan, doorashada oo saaka ka qabsoontay aqalka golaha wakiilada ee Hargaysa.
Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo si wayn Faratoon kursiga ugula tartamayay ayaa xalay xili danbe tanaasulay kadib markii uu sheegay in qaar kamid ah xildhibaano ay is ku gobol kasoo jeedeen oo uu isku halaynayay ay dhabarka u jeediyeen.

