Faah-faahin;Al-shabaab oo Weeraray Saldhig Ku Yaala Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay xalay kusoo qaadeen Deegaanka Arbacow ee Duleedka Muqdisho halkaas oo Saldhig ku ay leeyihiin Ciidamadda Dowldda Somaaliya.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dhowr dagaalyahan oo  ka tirsan Al-shabaab ay deegaanka soo galeyn,islamarkaana weerar ku qaadeen Saldhig deegaanka Arbacow,waxaana halkaas ka dhacay dagaalo saacado socday.

Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxayna cabsi soo wajahday shacabka ku dhaqan deegaanka Arbacow ee Duleedka magaalada muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ka baxay Magaaladda muqdisho ayaa markii dambe ku biiray dagaalka,waxaana lagu guuleystay in dagaalyahanadii Al-shabaab ka tirsanaa dib loo celiyo.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Deegaanka Arbacow ee Duleedka Muqdisho.

Dhanka kale Laamaha amaanka iyo dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa dhankooda wali wax war ah kasoo saarin dagaalka xalay ka dhacay Deegaanka Arbacow ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo dhowr magaalo lagala wareegay ayaa haatan bilaabay in weeraro gaadmo ah ka fuliyaan gudaha Magaalada muqdisho,weeraradii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Degmooyinka Deyniile iyo Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here