Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku Al-shabaab.
Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 ka tirsan shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu bur-buriyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.
Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay Al-shabaabka isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka ah, iyaga oo ku raad jooga firxadka Al-shabaab ka cararay dhimbilaha geesiyaasha qaranka”, ayaa lagu yiri warka dowladda.
Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Al-shabaab.
Dawladda oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay ciribtirto Al-shabaab.

