Puntland oo Eedeen Culus Usoo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in dhaqanka SSC ku caadinayaan in wada-hadal qasab ah la galaaan Maamulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in ay taageersan yihiin hadalkii uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasoo ahaa in dowladda federalka Soomaaliya ay raali uga tahay Somailand duullaanka ay ku hayso magaalada Laascaanood.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu indhaha caalamka kasii jeedinayo xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, isagoo sheegay taas beddelkeed inuu ku mashquulsan yahay inuu wada hadalo la bilowdo Somaliland.

“Barnaamijka uu Xasan wato, waa in gaar loo jaro SSC. Senatoradii yimid magaalada Garowe waxay sheegeen in barasaab loosoo magacaabidoono marka la xoreeyo SSC.” ayuu yiri wasiir Caydiid.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here