Villa Soomaaliya oo Ka Hadashay Go’doonka Shabaab Saareen Baydhabo

0

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadashay go’doonta dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay saareen Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal ku dabacay bartiisa twiterka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay go’doonta la saaray Magaaladda Baydhabo,islamarkaana ay qaadi doonto tilaabooyin loogu jawaabi doono.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacab weynaha dalkeena in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdaan, DFS waxay xaqiijinaysaa dardar gelinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana xoreynayo kuwa ku hoos jira arxan daradooda,waxay tani marag madoon u tahay in dadaallada ay hormuudka ka tahay DFS ay kooxdaasi ku dabar go’i doonto.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud.

Al-shabaab ayaa la sheegay in go’doon ay galiyeen Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wali ka hadlin go’doonka la sheegay in Magaaladda Baydhabo la galiyay.

Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa kamid ah xubnaha u sharaxan xilka Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya doorashadda soo socota.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here