Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qorshaha ku aadan in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay kula wareegayaan saldhigyadda Ciidamadda ATMIS ay dhawaan ka bixi doonaan.
La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la wareegto saldhigyadda ay ka baxayaan Ciidamadda ATMIS,islamarkaana la diyaariyay Ciidamadii la wareegi lahaa saldhigyadaas.
Waxa uu dhaliil u jeediyay Howgalka ATMIS uu sheegay in uu ku fashilmay qorshihii magaca loogu badalay,islamarkaana aysan kaalin ku laheyn howlgaladda dalka loogu xoreynayo dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in Howlgalka ATMIS ay ku andacoodaan inay ka maqan tahay saanad ay dalbadeen, sida diyaarado dagaal iyo agab kale.
La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa dhanka kale sheegay inay dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dalalka la isku yuraahdo safka hore, kuwaas oo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku garabsiin doona wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab.
Hadda wuxuu sheegay inay soo gabagabeynayaan wajigga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana la bilaabayo wajiga labaad oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada ka socda wadamada safka hore.
Ugu dambeyntii La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ka dalbaday wadamada dhaqaalaha ku bixiyay in dhaqaalaha la siiyo howlgalka ATMIS usoo wareejiyaan Ciidamadda Qaranka si guulo kaga gaaraan dagaalka Al-shabaab.

