Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Al-shabaab lagu sifeynayo.
Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay Al-shabaab waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

