Al-shabaab oo Go’doon Galiyay Baydhabo,siyaasi Dhaliilay Lafta-gareen

0

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegay in go’doon ay galiyeen Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Hore haatana ah Siyaasi Axmed Xaaji Maxamed oo wareysi siiyay idaacdda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in markii hore shabaab  go’doon galiyeen  Goboladda Bakool iyo shabeelaha Hoose balse haatan kusoo dareyn Xaruntii Maamulka ku shaqeynayay.

Waxa uu sheegay shacabka Magaaladda Baydhabo ay dareemayaa culeysyo kadib go’doonta ay saareen magaaladda Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Xildhibaan Hore haatana ah Siyaasi Axmed xaaji Maxamed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen siyaasad xumadiisa ay keentay in shabaab ay go’doon galiyaan Magaaladda Baydhabo.

Ugu dambeyntii wuxuu ku baaqay in dib loogu laabto hogaaminta Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,hadii la rabo horumarka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here