Hay’adda Duulista Rayidka oo Ka Hadashay Shil Ka Dhacay Garoonka

0

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa ka hadashay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Warbixin horudhac ah oo kasoo baxday hay’adda duulista ayaa lagu sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabbaha ay ku degto, taasoo ahayd sababta ay shilka u gashay.

Hay’addu waxay sheegtay in diyaaradani ay u kiraysnayd shirkadda HALA Airline. Waxayna intaas ku dartay inay kasoo duushay Garoonka Magaaladda Garowe oo ay saarnaayeen 34 rakaab ah iyo 4 shaqaale ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here