Taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in sadax duqeyn oo is difaacid ah la beegaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Duqeynta ayaa AFRICOM waxay sheegtay iney ka dhacday nawaaxiga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab saacadahii lasoo dhaafay.
Warka kasoo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu dilay 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana aysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeymahaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in howlgal ka dhacay nawaaxiga degmada Afmadoow lagu dilay 40 kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

