Guddida Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka dib marka ay la tashiyo sameeyaan.
Guddida oo saaka kulan wadatashi ah la yeeshay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka, waxayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan jawaabtii maxkamada sare.
“Guddida doorashadu iyada ayaa leh go’aanka aanu kusoo saarayno jadwalka doorashada, waananu soo saarayna, warqada maxkamadan waanu so dhawaynaynaa, shaqo naga dhaxaysay maxkamada oo caadi ah ayay ahayd, jadwalka waanu soo saarayna” guddoomiyaha guddida ayaa sida yidhi.

