Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiye ku xigeenada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kaasoo looga hadlay dardargalinta howlaha baaxada leh ee sida wadajirka ah u horyaala labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in guddoonka labada aqal ay ku balameen in dib isugu soo laaban doonaan kulan kale oo muhiim u ah dardargalinta shaqada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

