Madax Hore oo Kusoo Wajahan Muqdisho,Kulanka Saamileyda Siyaasadda

0

Magaaladda Mogadisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda abaabulka soo dhaweynta Siyaasiyiin hore oo Magaaladda u imaanaya ka qeyb galka kulanka uu codsaday Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Raisulwasaarayaal Hore, Madaxweynayaal,iyo siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda Soomaliya ayaa lagu wadaa in maanta ilaa bari ay soo gaaraan magaladda Muqdisho si ay kaga qeyb galaan kulankaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo xubno kale ay ka gaabsadeen imaanshiyaha Mogadisho iyo ka qeyb galka kulanka.

Ujeedka kulankaan ayaa lagu sheegay xalinta tabashooyinka ay qabaan siyaasiyiinta dalka ee ku aadan heshiiskii dhawaan Mogadishu kuwada saxiixdeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladd Goboleedyadda ee ku aadan in dalka lagu qabto doorashado qof iyo qof lagana gudbo soo magacaabista Raisulwasaare loona gudbo nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynihii Hore ee Dowladii Kumeel gaarka aheyd Shiikh Shariif sheikh Axmed oo dhawaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa horboodaya siyaasiyiinta doonaya ka qeyb galka kulanka iyo xalinta tabashooyinka saamileyda siyaasadda.

Saamileyda siyaasadda dalka ayaa dhawaan ka horyimid go’aankii Golaha Watashiga qaran waxayna ku baaqeen in laga laabto go’aankaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa haatan bilaabay in uu la fariisto siyaasiyiinta diidan heshiiska laga gaaray doorashada dalka.

Lama oga sida kulankaan ku dhici karo,iyo waxa uu ka badali karo heshiiskii Golaha Watashiga qaran ay ka gaareen hanaanka doorashadda dalka 27-kii bishii May ee sanadkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here