Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray Madaafiicdii saakay aroortii laga maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaafiicdaasi ay ku dhinteen saddex ruux, isla mar ahaantaasina ay ku dhaawcameen saddex qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayuu ku sheegay iney ahaayeen hal qoys.
Waxa uu sheegay Madaafiicda ay ku dhinteen 3-ruux, 3-kalana ay ku dhaawacmeen dhamaana ay ahayeen dad shacab ah oo isku qoys ah.
“Al-shabaab oo caadeysatay dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, waxay Gantaalo macmal ah oo ay soo tuureen, waxaa ay ku dhaceen guryo ay dad shacab ah daganayeen oo ku yaala Deg/Waaberi, Falkaas Al-shabaab sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabe iyo labadiisa caruur ah waxaana ku dhaawacmay Hooyadii Qoyska & 2 Caruur ah oo ay dhaleen” ayaa lagu yiri warka booliska.
Afhayeenka ayaa sheegay in laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmaayo falkaan.
