Shariif iyo Waare oo ku Baaqay in La Xaliyo Xiisadda Deegaanka Xalfooley

0

Madaxweynahii hore ee dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynahii hore maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa ka hadlay xiisad beeleed ka taagan deegaanka Xalfooleey.

Madaxweynayaashii hore ayaa ugu horeyn si adag uga hadlay xiisada colaadeed ee ka dhex aloolsan beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo isku haayo lahaanshaha deegaanka Xalfooleey.

Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in colaada haatan ka dhex jirta beelaha Xawaadle iyo Abgaal iney tahay mid aan loo baahnen waqtigaan, islamarkaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda.

Madaxweynahii hore ee dowladdii ku meel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhankiisa ka hadlay colaada ka jirta deegaanka Xalfooleey ayaa sheegay inaan loo baahneen inuu dagaal beeleed ku dhinto wiil Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here