Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadalaayay munaasabadda Ciida Carafo oo uu ugu horeyn ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu diiradda ku saaray inta badan Xatooyada iyo Musuqmaasuqa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday iney ka go’an tahay dowladdiisa suulinta xatooyada iyo musuqmaasuqa xoolaha dadweynaha, isagoona wacad ku maray inaan la isaga hari doonin xatooyo dambe.
“Dowladda Soomaaliya ma ogolaan doonto in dhaqaalaha yar ee gabadha ama wiilka maskiinka ah laga soo qaaday guryo looga dhisto Turkiga iyo Nairobi, balan ilaahey waxaan ku qaaday marna inaan la ogolaaneyn taas, War ka joog ha garabsiin, hana la soo safan nin tuug ah, tuug umad xaday hala safan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

