Puntland oo Dalbatay in La Hakiyo Barnaamijka Deyn Cafiska Soomaaliya

0

Wasiirka maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad  ayaa sheegay qaabka ay hadda ku socota dayn cafinta Soomaaliya inay halis ku keenayso deganaanshaha Soomaaliya, iyo kaalmada ay hay’adaha caalamku siiyaan.

Wasiirku wuxuu walaaac ka muujiyay dhaqaalaha daba socda dayn cafinta, isagoo sheegay in ay horseedi karto in dalku dib ugu noqdo dagaalo sokeeye. Wuxuu tilmaamay inta Soomaaliya ka heshiinayso midaynta maaliyadda iyo qeybsiga kheyraadka dalka, in loo baahan yahay in la hakiyo dayn cafinta Soomaaliya.

“Haddii maanta IMF iyo world bank dhahaan dalkii dayn cafin baan ku sameynay, oo 2 billion-dollar lasoo qaato, oo Soomaaliya lasoo galiyo, grants ama deeqihii caalamku bixinayeen ay istaagaan, hadhow maxay samayn ah ayay ku keenaysaa GPD-ga dalka, iyo dhaqaalaha dalka. Annagu waxaan rabnaa inuu dalku marka hore heshiis yahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here