Madaxweyne Axmed Madoobe oo Sheegay in Gobolka Gedo uu Tagayo

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo maanta Salaada Ciida Carafo kula Tukaday xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo dadweyne fara badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaalada gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ugu horeyn shacabka reer Jubbaland ugu hambalyeeyay munaasabada maalinta koowaad ee Ciida Carafo ayaa ugu baaqay reer Jubbaland inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka umadeed islamarkaana ay ka qeyb qaataan sidii looga hortagi lahaa dhaqamada fasahaadinaya bulshada deegaanka.

Axmed Madoobe oo si qota dheer uga hadlay arrinta gobolka Gedo ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka reer Gedo iney la shaqeeyaan mamaulka Jubbaland, isagoona xusay in Gedo ay ka mid tahay Jubbaland uuna tagi doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here