Gudoomiyihii Arrimaha Bulshadda Degmadda Wanlaweyn oo La Dilay

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa dil loo geystay Xalay mid kamid ahaa Mas’uuliyiintii Maamulka Degmadda Wanlaweyn oo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye Ku-xigeenka Arimahah Bulshadda Degmadda Wanlaweyn Haashim Shareere ayaa xaley lagu diley Tuuladda Buul haashi ee Duleedka Degmadda Wanlaweyn.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha uu xalay ka baxay Magaaladda Muqdisho isaga oo wata gaari abaare 01:00AM (Saqdii dhexe),islamarkaana gaarigiisa lagala dagay laguna dilay tuuladda Buul haashi ee Duleedka Degmadda Wanlaweyn.

Qaar kamid ah Eheladda Gudoomiyaha la dilay ayaa laga soo xigtay in shirqool lagu dilay gudoomiyaha, waxaana meydkiisa goobta ka qaatay Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomalaiya ee ku sugan tuuladda Buul haashi ee Duleedka Degmadda Wanlaweyn.

Ilaa haatan lama oga sababta loo beegsaday gudoomiyaha,iyo cid sheegatay Mas’uuliyadda falkaan lagu dilay gudoomiyaha.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda dilalka loo geysto mas’uuliyiinta Dowladda iyo kuwa Maamuladda dalka ka jira.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo loogu hadlayao falkaan lagu khaarijiyay Gudoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshadda Degmadda Wanlaweyn Haashim Shareere.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here