Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay khilaafka wali ka taagan Gobolka Gedo ee u dhaxeeya Maamulka Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) iyo siyaasiyiinta gobolkaas kasoo jeeda.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa sheegay in xiisadda gobolka gedo loo wajihi doono si hoose,islamarkaana la xalin doono tabashooyinka xiligaan jira.
Waxa uu sheegay in dhibaatadda Gobolka Gedo ka jirta ay keentay in habeen ka hor weerar lagu qaado guriga ugaaska Beesha Mareexaan,walina uu taagan yahay khilaafka labadda dhinac u dhaxeeya.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay isku khilaafeen arinta Gobolka Gedo,Magacaabista Maamulka Cusub.
Siyaasiyiinta Gobolka Gedo kasoo jeeda ayaa diidan maamulka Axmed madoobe ee kismaayo,waxayna sheegeen in Gobolka maamulkiisa aan laga soo magacaabi karin Magaaladda Kismaayo.

