Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Duqeeyay Madaxda Al-shabaab

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah lala beegsaday hogaamiyaal ka Tirsan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shaabaab.

Duqeynta ayaa laga fuliyay sida dowladda Soomaaliya ay sheegtay deegaan ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya duqeynta ayaa lala beegsaday goob ay ku shirsanayeen Madaxda ugu sareysa Al-shabaab.

“Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday Madaxda Al-shabaab ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.”ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowlada.

“Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.”

Duqeyntan ayaan illaa iyo hadda aysan ka hadlin ciidamada Maraykanka hase yeeshee waxa ay ku soo beegantay maalin kadib markii uu magaalada Kismaayo uu booqday Sarkaalka ugu sareeya Ciidanka Badda Mareykanka Gen. Michael Langley ee qaarada Afrika.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here