Al-shabaab oo Toogtay Shan ruux oo ay ku sheegeen iney ahayeen Basaasiin.

0

Dagaalamayaasha  Al-shabaab ayaa galinkii dambe ee Shalay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtay shan ruux oo ay ku sheegeen iney ahayeen Basaasiin.

Shanta ruux ee toogashada ku fuliyeen kooxda ayaa la sheegay iney ahayeen dhamaantood rag, kuwaas da’doodu u dhaxeysay 28 ilaa 52 sano.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha lagu toogtay shanta ruux ka sheegtay iney dhamaantood qirteen iney ahayeen basaasiin la shaqeynaayay dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Goobta toogashada ka dhaceysay waxaa isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay toogashada lagu fulinaayay shanta ruux.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here