Jubbaland oo Ka Hadashay Hadalkii Kasoo Yeeray Madaxweyne Saciid Deni

0

Maamulka Gobolka Gedo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe), ayaa si kulul kaga hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland eek u aadan xaaladda Gobolka Gedo.

Cismaan Xaaji Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaaso ahaa in Gedo lagu qasbayo maamul aysan raali ka aheyn.

Macalimow ayaa sheegay in hadalka Saciid Deni uu yahay mid u taageero kaga raadinaayo shacabka gobolka Gedo, kadib markii siyaasadiisa ay isaga hor yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

“Reer Gedo wax ka halaysan malaha, madax baa xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka marka wax dhib ah oo ka jira gobolka Gedo ma laha. Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, Dowlad Goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan” ayuu yiri Cismaan Xaaji Nuur Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here