MW Axmed Madoobe oo Maamul Cusub u Magacaabay Gobolka Gedo

0
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maamul u soo magacaabay Gobolka Gedo, iyadoo xubnaha la magacaabay uu ku jiro Cusmaa Nuu Xaaji Macalimuu oo mar kale loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda.
Gobolka Gedo ayaa horay u ahaa maamul aanu hoos-tagin Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ay Gedo aheyd mid toos uga madax banaaneyd Kismaayo, halka talada iyo maamulkeeda toos uga imaanayay Muqdisho iyo Taliskii hore NISA.
Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, waxaana dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday Mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here