Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadshay howlgal Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayay dowladda sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Guure oo loo yaqiinay Cali Qoyane.
Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in horjoogaha la dilay ee Al-shabaab uu ahaa kuwa ugu daran ee dhibaatada ba’an ku hayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gobolkaas.
Taliye ku xigeenka Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xidigle Maxamed Xasan Abuukar ayaa u sheegay in dilka horjoogahaan uu yimid kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.
“Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah waxaa ay horay Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay.

